J/land-”Kisima”-(XOG)-Bahdil Iyo-Fadeexad & CEEB U-Soo Hoyattay-Shacabka Soomaaliyeed Dhanka-Saffarka & Garoonka Diyaaradaha-Kismaayo!!..Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on Mar 16th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaayo:-(Allkisima)-Wararka Aanu ka heleyno garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu ka jiro dhaq-dhaqaaq Maamul oo Gurracan Oo Lagu Bahdilo Soomaalida guud ahaan.

Dhanka Kale wararka aanu heleyno waxa ay intaasi ku darayaa in dowladda kiinya ay caado ka dhigatay bahdil iyo meel ka dhac ku aaddan dadka soomaaliyeed xagga safarrada,waxaana la sheegaya qofka wata Passportka Kiinya markuu Kismaayo soo galayo lagu siiyo Visaha on Arrival Airport isla-markaana aysan jirin wax shuruud ah oo lagu xujeenayo halka qofka Soomaaliga ah 500-600-oo doollar looga qaato visaha Kiinya taasoo ay usii dheer tahay inuu sugayo Muddo sadex bilood ah.

Haddaba Haddaan dhinaca kale ka eegno hadda waxaa soo baxaya  bahdil ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo markii loo diiday inuu halkaas ka dhoofo shaqaale ka tirsan dowladda SOMALIA oo weliba Sitta Passaportka Loo Yaqaan Service ee guduuda ee la siiyo shaqaalaha dowladda.

Waxaa xusid mudan xaalkan foosha xun ee ka dhacay garoonka diyaaradaha kismaayo ayaa waxaa la sheegay 6dii bishan aynu ku jirno ee MARCH.

Sidoo kale waxaa xusid mudan inuu shaqsigaas wattay waraaq casuumaad ah oo uu kaga qey-bgalayey siminaar ka dhacayay  Magaalada Nairobi ee dalka Kiinya.

Waxaa Kale oo xusid mudan in Sharikadda diyaaradaha (BLUE SKY)-ee sharci La’aanta ku joogta Magaalada Kismaayo Shaqaaleheeda ay garoonka Kismaayo si cad ugu diideen ninkaas inuu garoonka ka dhoofo iyagoo u sheegay inuusan Garoonka Wajeer ka degi karin shaqsi aan Viso wadan hadduu doono ha wato Passporada kala duwan ee SOMALIA sida: Diplomatic iyo Service ama midka caadiga ah, waxayna sheegeen inay mamnuuc tahay inuu Kiinya galo qof Soomaali ah oo aan wadin wax fiiso ah .

Haddaba su’aasha si waydiinta mudan ayaa ah aaway Maamulkii Immigration SOMALIA ee uu hoggaamiye ka ahaa General Gaafoow aaway wasaaradii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ma waxay go’aansadeyn inay Soomaaliya dullinimo geliyaan weliba ay hoos geeyaan dowlad daciif ah oo waligeedba ku tiirsanaan jirtay Soomaaliya,waa kiinyee.

Waxaa Kale oo wax Laga Yaq-Yaqsooda ah in dowladda Kiinya inay Soomaaliya soo gasho Viso la’aan, Kiinyana ay tiraahdo qof Soomaali ah oo aan Viso wadan nooma soo geli karo, taasi waxay muujineysaa halka ay madaxda Soomaalida Ee Xilligan dhigeen qaranimadeenii & sharaftii aan Africa ku laheyn iyo Sumcaddii Ummadda Soomaaliyeed..

Waxaa Kale Oo Xusid Mudan in shakhhsiyaadka deegaanka ah ee watta Paasaporrada Ajaanibta Sida EU-AMA dowladaha YURUB EE kALE,,CANADA,MAREYKANKA ,in Iyagana Su’aalo AAn Macno Laheyn Iyo Jaq-Jaq ay Kala Hor-Yimaadan Ragga Axmed Madopobe Uu Keensaday & Askar kiinyaan ah,airoprka Kismaayo,oo Yaa-Alla Ay Magaalada Ku Galaan iyagoo weliba Lacago Baad Laga Qaadayo.

Ugu dambeyntiina Waxaa wax lagu xumaado ah in Kiinyanka garoomada Muqdisho iyo gobollada SOMALIA on Arrival lagu siiyo Visaha halka muwaadiniinta Soomaalida ay ku jiraan ciqaab iyo gumeysi dhammaan arrimahaas oo aan Aan loo dulqaadan karin.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)