SOM-XOG-Hayaha Arrimaha-Dibadda INGIRIISKA Oo Maanta-Muqdisho Soo Gaaray & Kulamo-Uu La Qaatay M/Weynaha-SOMALIA-Maxay Ka Wada-Hadleen? Warbixin Iyo-Sawirro…

Waxaa Qoray Admin on Mar 15th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-Dr:-Farmaajo M/weynaha Somalia & XOG-Hayaha Arrimaha Dibadda BRITAIN-1-JPG.

Muqdisho :-( Allkisima)-Saffarka uu ku yimi XOG-Hayaha Arrimaha dibadda Ingiriiska Magaalada muqdisho oo ahaa Mid Aan horey  loo sii shaacin ayaa waxaa Loo maleynayaa in ay daba-socoto dhaqaaliihii ugu dambeyey oo ay dowladda ingiriiska ku bixisay abaaraha ka jira somalia & sidii loo maareyn lahaa dhaqaalaha malaayiinta ah oo ay bixisay dowladda ingiriiska isbuucii la soo dhaafay.

Dhanka kale wararku waxa ay tibaaxayaan in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska mr-Boris johnson iyo M/weyne Farmaajo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Allkisima_Phot's-Dr:-Farmaajo M/weynaha Somalia & XOG-Hayaha Arrimaha Dibadda BRITAIN-2-JPG.

Dhinaca Kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa la sheegay inuuu balan qaaday in dowladiisu ay ka qayb qaadaneyso samato bixinta dadka ay abaarta saameynta ku yeelatay iyo sdii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa Shacabka soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Allkisima_Phot's-Dr:-Farmaajo M/weynaha Somalia & XOG-Hayaha Arrimaha Dibadda BRITAIN-3-JPG.

Ujeedka imaanshiyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Boris Johnson, ayaa lagu macneeyay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda dhabta ah e ka jirta SOMALIA.

Allkisima_Phot's-Dr:-Farmaajo M/weynaha Somalia & XOG-Hayaha Arrimaha Dibadda BRITAIN-4-JPG.

Waxaa xusid mudan in Dawlada Ingiriiska ay Somalia ugu yaboohday 100 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah,si loogu gar-gaaro shacabka miyiga oo ay xoolaha & dadkaba Ka Baab’een.

Ugu dambeyntiina M/weyne Farmaajo waxa uu kaga mahad celiyey Socdaalka Boris Johnson ku yimid Muqdisho oo uu ku macneeyey mid taariikhi ah oo geesinnimo leh.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)