UK-B/Lamaanka Dalka INGIRIISKA Oo Si Toos-Ah U Ansixiyey Ka Bixitaanka Midowga-Yurub=EU!!…Warbixin Kooban…

Waxaa Qoray on Mar 14th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Foto-Fr-Google_IMages-B/Lamaanka Uk Oo Ansixiyey Ka Bixitaanka-EU-1-JPG.

London:-(Allkisima)_Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ansixiyey sharciga qabyada ah ee ay Britain uga baxayso midowga Yurub.

Talaabadan ayaa dhabbaha u xaaraysa in xukuumaddu ay billowdo hirgalinta qodobka 50aad, si UK ay uga baxdo midowga Yurub.

Dhanka kale mudaneyaasha aqalka sare (House of Lords) ayaa ka haray arrimaha la xiriira xaqa degganaanshaha ee midowga Yurub iyo cod bixin wax-ku-ool ah oo ku saabsan heshiiska kama dambaysta ah ee ka bixitaanka.

Arrintan ayaa waxaa yara cakiray ku dhawaaqidii ay xukuumadda Scotland ku dhawaaqday inay qorshaynayso qabashada afti labaad oo ay madax banaani kaga qaadanayso UK.

Dhinaca Kale Sharciga qabyada ah ayaa la filayaa in boqoraddu ay si rasmi ah u saxiixdo si uu sharci buuxa u noqdo Talaadada.

Ugu Dambeyntiina xukuumadda ayaa iminka qorshaynaysa inay billowdo tallaabooyin rasmi ah oo ay uga baxayaan midowga Yurub, wixii loo gaaro dhamaadka bishan.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)