J/Land-“Kisima”-Faah-Faahin-Qarixii Ka Dhacay Kismaayo-Maanta!!…& Ninkii Is-Qarxiyey Iyo-Sawirkiisa…

Waxaa Qoray on Mar 13th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaayo🙁Allkisima)-Faah-faahinno dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Qarixii Maanta Ka Dhaca Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid qof uu isku soo xiray.

Waxaa La Xaqiijiyey In Qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee Masaajidkii Xaaji Jaamac uu Dhisay allaha U-Naxariistee sida ay shabakaddan Allkisima u-xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa aagga ninkii qaraxa uu u isku-soo xiray.

SAwirkan Waxaa Laga Soo Xigtay Qaraabadiisa Ninka Dhallinyarada ah ee Is-Qarxiyey-1-JPG.

Wararku waxa ay uu intaasi ku darayaan in qaraxa uu ku dhintay shakhsigan uu sawirkiisa halkan ka muuqdo oo da’ahaan lagu qiyaasay 29 ilaa 33 sano jir,waxaana magaciisa ay ku sheegeen dadkii yaqaannay C/raxmaan C/llaahi Jical Oo waxa uu Ku Magac Dheeraa(BAASHAAL).

Waxaa Xusid Mudan In Ciidamada booliska Magaalada Kismaayo ku sugan ay yimaadeen goobta,ayna ka qaadeen ninkii Is-qarxiyey goobta.

Ugu dambeyntiina meesha qaraxa uu ka dhacay ayaa aheyd afaafka hore Ee Masaajidkii Xaaji Jaamac waxaase  ku dhaweyd Maqaaxi Xildhibaanada J/land isugu imaan jireen,waxaana qaraxa Galabta uu dhacay salaaddii cassar Ka Dib weliba xilliga Ay BBCda Dhageystaan Soomaalida.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Mombasa.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)