KENYA-Dowladda Kiinya Oo-Joojisay Dhismaha Safaaraddeeda-Somalia Iyo Sababta!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Mar 13th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho:-(Allkisima)-Dowladda Kiinya ayaa Shaacisay in ay Guud ahaan ay hakisay   mashruuc lagu dhisaayay safaaradeeda  ay ku leedahay Magaalada Muqdisho , waxaana ay sabab uga dhigtay amni darro darteed.

Haweenayda  Wasiirka arrimaha dibadda ka ah Kiinya oo Khudbad ka horjeedisay  Baarlamaanka Kiinya  ayaa ku dhawaaqday in dhismaha Safaarada la billaabay August 2015-kii qorshuhuna ahaa in la soo gaba gabeeyo December 2016 sidaas darteedna loo hakiyay Amnidarada ka jirta Caasimadda Muqdisho.

Mrs-Aamina Maxamed Wasiirka arimaha dibadda Kiinya ayaa sidoo kale xustay in shaqaalaha dowladda Kiinya ee ku sugan muqdisho loo baqaayo amnigooda.

Waxa ay xustay Aamina  in 35% dhismaha Safaaradda la dhameeyay waxaana ay sheegtay in dhaqaalaha ku baxaya in  uu aad u badan yahay.

Ugu dambeyntiina Sanaddii 2014 tii ayay ku dhawaaqday dowladda Kiinya in ay dib u fureyso safaaraddeeda SOMALIA.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)