P/Land-M/Goboleedka P/Land Ee-Jaha-wareersan Oo Xabsiga Ka-Siidaayey Nabadoon Xarrago!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Mar 11th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phots-Nabadoon Xarrago oo DIB-U-Helay Xurriyaddiisii-1-JPG.

Boosaaso🙁Allkisima)-M/G/P/Land Ee Jahawareersan ayaa xabsiga ka siidaayey Nabadoon C/qaadir Ibraahim Xarrago oo ku xirnaa xabsiga Magaalada Boosaaso, ka-dib markii P/land ay ku eedeeyeen Nabadoon Xarago inuu Shabaab yahay.

Sida Ay wararka nagu soo gaarayaan Rag Ay Isku-Heyb Yihiin nabadoon Xarrago ayaa muddo wada hadal la lahaa hoggaamiyaha waereersan Mr-C/weli Cali “Gaas”, waxayna kala hadlayeen arrimaha ku aaddan sidii Nabadoonka dib loogu siin lahaa xuriyaddiisa.

Wararka waxa ay sheegayaan Nabadoon Xarrago in maanta la sii daayay, laguna sii daayay shuruudo ku aaddan inuusan dib dambe uga hadli karin waxyaabo kicinaya Shacabka P/Land.

Sidoo kale Nabadoon Xarrago ayaa la faray hadii uu wax ka hadlaayo inuu ka hadlo arrimaha ku aaddan wanaagga P/land iyo hurumarrada kala duwan ee P/land ay ku tilaabsatay oo uu buun-buuniyo.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa la sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadaasi ka soo baxay Shirkii ay yeesheen Odayaasha ku qabiilka ah iyo Mr-C/weli Cali Gaas.

Ugu dambeyntiinba Nabadoon C/qaadir Xarrago oo muddo 16 cisho ah u xirnaa Maamulka P/Land ayaa waxa ay astaan u Tahay In P/Land Aanay Ka Jirin Xurriyad & Xurriyatul-Qowl-Midna oo maamulka uu Cabburin Dhanka shacabka ah uu Saaxiib Uyahay.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Boosaaso.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)