AZERBAIJAN-M/weynah Dalka Azerbaijan Oo-Xaaskiisa U Magacaabay M/weyne Ku-Xigeenka Dalka Azerbaijan!!…WARBIXIN…

Waxaa Qoray on Feb 21st, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

BAKU:(Allkisima)-M/weynaha Dalka Azerbajian Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriban u magacaabay xilka M/weyne ku xigeenka,dalkaas, taas oo uu ku xoojinayo awooddiisa dalkaasi saliidda Qaniga ku ah.

Magacaabista waxaa lagu qoray barta internetka ee madaxtooyada,Ilham Aliyev waxaana uu M/weyne ka ahaa dalkaasi Azerbaijan tan iyo sannadkii 2003dii ka dib markuu aabihiis geeriyooday.

Mrs-Mehriban Aliyeva, oo 52-sano jir ah, waa xildhibaanad dalkaas,isla-markaana takhasuskeeda Aqooneedna uu yahay Caafimaadka,Waxayna  leedahay hay’ad lagu magacaabo Heydar Aliyey. Waxaana warbixinteeda inta bada laga Soo min-guuriyey warbaahinta dalka oo Aalaaba ka warrantaa arrimaha qoyska dalka Maamula.

Dhanka kale  Ururada u ololeeya xuquuqda aadanaha waxay qoyska talada maamula ku eedeeyaan musuq-maasuq,ha yeeshee Arrinkaas dowladda ayaa beenisay eedahaas.

Dhinaca kale bishii September, Mr Aliyev wuxuu qaban qaabiyay afti lagu aasaasay M/weyne ku xigeen awood leh, wuxuuna xilka M/weyne kordhistay todobo sano oo dheeraad ah.

Foto-Fr-Time.com-Azerbaijan Leader Appointed His Wife as His Vice President-2-JPG.

.Waxaa Kale Oo Xusid mudan in Isbuucii la soo dhaafay, warar hoose ay tibaaxayeen  in xaaska M/weynaha ay tahay qof aan siyaasad shaqo ku laheyn,oo aad uga dhega-la’xaaladda guud ee dalka.

Waxaa Kale oo xusid mudan in lammaanaha hoggaanka u haya dalka Azerbaijan ay heestaan Carruur Seddex ah Oo Labo Ka mid Ah Qaan-Gaar Yihiin 2-Wiil & Gabar.

Ugu dambeyntiina waxaa shacabka reer Azerbajian ay aad ula socdaan in haweneydaan Loo Magacaabay Vice President  Aabeheed, Mr-Arif Pashayev uu yahay nin taajir ah oo ganacsade ah.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI…Source-time.com.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)