USA-FLORIDA-M/Weyne TRUMP-Oo Difaacay-Siyaasadihiisa Dhanka Socdaalka Ku Aaddan!!…WARBIXIN…

Waxaa Qoray on Feb 19th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

MIAMI-(Allkisima)-M/weynaha La Doortay Ee Dalka Maraykanka Mr-Donald Trump, ayaa difaacay guulaha illaa iyo hadda uu ka gaaray Maamulkiisa, mar uu xalay kula kulmay  taageerayaashiisa Magaalada miami.

Waxa uu dadkaasi isu soo baxay u sheegay in dareen rajo wanaag ah uu ka dhashay Mareykanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu fulinayo ballanqaadyadiisa ku aaddan dhaqaalaha iyo ammaanka.

Dhanka kale Mr Trump ayaa marka kale si kulul u dhaliilay warbaahinta,gudaha dalka,waxaana uu ku eedeeyay in ay faafinayaan warar been Ah oo ay dan gaar ah ka leeyihiin Mucaaradka.

Dhinaca Kale mar uu difaacayay amarkii uu Mareykanka kaga mamnuucayay dadka ka yimaada 7 dal oo Muslim ah, ayaa waxa uu yiri “Dalkeena uma rabno dad feker xun wata oo xag jir Ah.

Ugu dambeyntiina Mr Trump ayaa intaa raaciyay in uu u tegay Florida si uu waqti ula qaato asxaabtiisa iyo dadkiisa.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Minneapolis-USA.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)