GABON-Xulka Qaranka K/Cagta-Dalka Kamiruun Oo Xulka Masar-Ku-Tuntay Ka DIB-Markii!!…Faallo-Iyo…Warbixin…

Waxaa Qoray on Feb 6th, 2017 and filed under Ciyaaraha, Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

LibrevilleūüôĀAllkisima)-Xulka Qaranka K/Cagta ee dalka Kamiruun ayaa caawa markii 5-aad ku guulaystay koobka Qaramada Africa ee AFCON 2017, kadib markii ay shabaqa dalka masar ku hubsatay 2-GOOL halka reer Masarna ay dhaliyeen hal Gool kaliya.

Waxaa la wada ogsoonaa in cayaartu ay FINAL aheyd,ha yeeshee ma noqon sidii la moodaayey ee dalka Masar oo siddeed koob horey u heeystay ayaa loo diiday koobkii Sagaalaad oo waxaa 1-2 ay guushu ku Raacday Dalka Kamiruun.

Xulka Dalka Masar ayaa iska lumiyey gool ay qeybtii hore ee ciyaarta hoggaanka ku qabteen, ka-dib markii Mohamed Elneny uu daqiiqadii 21-aad dhaliyey kubabad koone ahayd.

Xulka Kamiruun ayaa qeybtii hore ee ciyaarta awoodi wayday in ay difaaca Masar dhaafto oo ay la timaado goolka bar-barraha ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0,oo Masar hoggaanka u qabatay Kamiruun.

Xulka Masar Oo Caawa Ku Qancay Kaalinta-2aad Koobka K/Cagta Qaramada Afrika-3-JPG.

Markii qeybtii labaad laysku soo laabtay ayaa xulka Kamiruun ay heleen goolkii  barbaraha, ka-dib markii uu gool madaxa ah uu u saxiixay Nicolas N’Koulou kaas oo caawin ka helay Benjamin Moukandjo Bilé waxayna ciyaartu noqotay 1-1.

Xulka Kamiruun Ay u suuragashay in  natiijadii hoggaanka daqiiqadii 88-aad ee dhamaadka ciyaarta heshay , ka dib markii gool layaab leh shabaqa ku ruxay Vincent Paté Aboubakar,goolkaas oo niyad jabiyey Xulka dalka masar.

Ugu dambeyntiina waxa ay taariikhda K/Cagta Labadan Dal ay Qoreysaa in laba mar oo hore MASAR ay fiinale ku soo leeftay Kamiruun Ha-Yeeshee Caawa Arrinkaas ma suura-gelin ee Egypt waa Lagu Tuntay caawa qeybtii dambe ee Ciyaarta,waxaana koobkii qaramada afrika ee-K/Cagta Hoggaanka & Horyaalnimadaba u qabtay dalka Kamiruun.

Allkisima News Desk
Xafiiska/Kampala.
Categories: Ciyaaraha, Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)