GABON-Xulka Kamiruun Oo Soo Gaaray Cayaarta Kama Dameysta Ah Fiinaale Ka-DIB-Markii!!…

Waxaa Qoray on Feb 3rd, 2017 and filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Libreville:-(Allkisima)-Xulka qaranka Cameroon ayaa wajahi doona qaranka Masar ciyaarta fiinaalka koobka qaramada qaaradda Afrika ee ‘2017 Africa Cup of Nations final’ kadib markii ay laba gool oo qaybtii dambe ee ciyaarta dhashay ay isaga reebeen xulka Ghana.

Labada xulba waxay u dhawaadeen inay goolal dhaliyaan, ka hor intii aanu Michael Ngadeu-Ngadjui ka faa’iidaysan khal-khal difaac oo ka dhashay xanaaqad la soo laagayay, goolkii furitaankana xulkiisa u saxeexin daqiiqadii 72 aad ee kulanka.

Xilli ay ilbiriqsiyo ka harsnaayeen dhamaadkii ciyaarta, dhamaan xulka Ghanana afka hore ee goolka Kamiruun isugu tageen, marka laga reebo goolwalaha oo aan halkiisa ka dhaqaaqin, ayuu Christian Bassogog goolkii quus goynta ahaa qarankiisa shabaqa ugu shubay, isla- markaana damaashaad bilaabay, waana goorta ciyaarta in lagu kala guuleystay caddaatay.

Xulka Kamiruun OO u soo Baxay Fiinaale-2-JPG.

Arrintu si kastaba ha ahaatee Ghana waxay ku dhowaayeen inay goolal dhashadaan, fursadihii ay cuneen Wakaso Mubarak iyo Christian Atsu.

Allkisima News Desk
Xafiiska Cayaaraha Capetown.
Categories: Ciyaaraha
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)