GABON-KOOBKA QARAMADA AFRIKA-Xulka K/Cagta Bukina Faso Oo Ku Haray Semifinal & Masar Oo U Soo Baxday Fiinaale!!…Warbixin Kooban…

Waxaa Qoray on Feb 2nd, 2017 and filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Libreville:-(Allkisima)-Xulka Dalka Masar ayaa usoo Baxay Cayaarta kama dambeysta ah ee Tar-tanka K/Cagta Qaramada Afrika ka-dib markii ay rigooreyaal 4-3 ah kaga adkaadeen xulka Burkina Faso.

Ciyaarta qeybtii hore wax Gool ah leyskama dhalin xulka Burkina Faso ayaa ka fir fir coonaa dhanka fursad sameynta kulanka , markii qeybtii labaad leysku soo laabtay xulka Masar ayaa helay Gool waxaana udhaliyay Mohamed Salah Weerar yahanka AS Roma iyo xulka Masar , Ciyaar yahan Bance oo ka dhex muuqday kulankii xalay ayaa xulkiisa Burkina Faso u-dhaliyay Goolka Bar-barraha ciyaarta daqiiqadii 73-aad.

Xulka Masar ayaa markii Sagaalaad gaaray kama dambeysta Tar-tanka Qaramada Africa , Rigooreyaal 4-3 ah ayeyna kaga gudbeen.

Ugu dambeyntiina cayaarta fiinaalaha ama kama dambeysta ayey ku sugayaan midkood xulalka Cameroon iyo Ghana oo caawa wada ciyaaraya waxaana kulanka kama dambeysta ah la ciyaarayaa 5-ta Bishan February.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: Ciyaaraha
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)