Garowe:_(Allkisima)-Ciidamada Booliska magaalada Garoowe ayaa kontorolka Bari ee magaalada Garoowe waxa ay ku qabteen hub fudud oo loo waday magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.
Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Nugaal oo saxaafadda u soo bandhigay hubkan ayaa sheegay in hubku uu ka kooban yahay 9 qori oo 8 ka mid ah ay yihiin qoryaha loo yaqaabo AK 47, halka qoriga kale ee soo harayna uu yahay Jiib gacmeed.
Taliyaha ayaa sheegay in hubkan laga soo iibiyey magaalada Gaalkacyo, isla markaasna loo waday nin horey macalin uga ‘ahaa jaamacada bariga afrika ee magaalada Boosaaso, waxaana hubka lagu qabtay laba nin oo midi uu yahay darawalkii gaarigii lagu qabtay hubka, iyo ninka kale oo ahaa ninkii Gaalkacyo ka soo iibiyey hubka.
Taliyaha ayaa sheegay in hubkan ay gacanta ku dhigeen 27-kii bishii tagtay ee April, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay ka go’an tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka gobolka, gaar ahaan kan caasimadda ee Garoowe.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la sheegay in hubka loo soo iibiyey uu hada ka maqan yahay Puntland, iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan inuu ka mid yahay kooxaha Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya gobolada Koonfureed ee wadanka.
Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili dhawaan dowlada Puntland ay sheegtay inay wax weyn ka qabaneyso amaanka gobolka, waxaana ay taasi ka danbeysay markii saacado guduhood Boosaaso lagu dilay 3 qof.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/Boosaaso.








