Kismaayo
Allkisima)-Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in maamulka cusub ee al-shabaab-kismaayo,ay ku kaceen caddaalad-darro baahsan oo ku saabsan bur-burintii dhismayaashii sharci-darrada ahaa,waxaana la xaqiijinayaa in ka weecdeen dhismayaal sharci darro ahaa oo laga dhisay magaalada kismaayo,sida-dhismayaal ka dhisan goobaha kala Ah:-(1)dhismayaal laga dhisay EX-wasaaraddii Beeraha horteeda & Maana-boolyadii sigaarka una dhaexeeyey shineema ayaan & bangigii Ganacsiga & keydka soomaaliyeed.
(2)-Garoonkii kubbadda cagta(STADIO-WAAMO) barxadihii ku hareeresnaa sida jaanka oo guryo farobadan laga dhisay.
(3)-Ex-Guryihii wasaaradda daxiiska oo iyana laga dhisay guryo faro badan oo sharci darro ah.
(4)-Taliska Ciidanka Booliska saldhigga kismaayo guryihii xaasleyda booliska Gadaashooda barxaddii Koofiyo Oo Baaskiillada Iyo mootooyinka lagu ijaari jirey,marna boosteejada tagaasida aheyd,oo laga dhisay seddex guri oo sharci darro ah,dowladdii dhexena ay aad u ilaalin jirtay la isku dayeyna marar badanna in la dhisto oo waligeed ay dowwladda ku gacan-seyri jirtay.
(5)-Boos uu lahaa Ex-Commusario(Maxamedc Cali Daahir)-xilligii D/Dhexe oo isna la iska dhistay,mar ay calaameeyeen maamulka al-shabaab kismaayo,markii dambena ay faraha ka qaadeen.
Dhanka kale malleeshiyaadka maamula tuulada liboy Somalia ama dhoobleey ayaa la xaqiijiyey inshalay ay bur-buriyeen qbuuro ay kuaasnaayeen wadaadd caan ka ahaa tuulada dhoobleey waxaana xaaladdaas shalay horboodayey madaxa xilligan al-shabaab dhoobleey -Sheekh max’ed(Abuu-sacad).
Maaha markii ugu horreysay ee al-shabaab kismaayo bur-buriyaan Qabuuro ay ku duugnaayeen culumo caan ka ahaa koofurta soomaaliya,waxaana bilihii la soo dhafaay jirey howl-gallo lagu bur-burinaayey qabuuro ku yiillayb gudaha koofurta soomaaliya.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/NBI.








