London
Allkisima)-Tottenham ayaa ku dhawaaqaday in macalinkeeda Harry Redknapp loo magacaabi doono macalinka sanadka ee horyaalka Premier League kadib markii uu kooxdaasi u horseeday iney ka ciyaarto markii ugu horeysay tartanka Champions League.
63-sano jirkaasi ayaa waxaa jagadaasi ku heysta ninka hogaanka u haya kooxda galbeedka London ka dhisan ee Carlo Ancelotti, kaasoo Chelsea qarka u saaray iney qaado horyaalka Premier League, sidoo kale waxaa jagadaasi kula tartamaya Roy Hodgson, oo markii ugu horeysay taariikhda Fulham geeyay ciyaarta kama danbeysta ah ee Europa League.
Redknapp wuxuu sidoo kale ahaa ninkii u qaaday Portsmouth koobka FA 2 sano ka hore sidoo kale wuxuu Spurs ka badbaadiyay iney laabato sanadkii tagay, wuxuu qabtay kooxdaasi iyadoo halka hoose ee horyaalka fadhida isgaoo maanta geeyay booska 4aad ee xaga kala horreynta.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/UK/Kisima-Sport’s.








