J/Land-“Kisima”-“FAALLO”-J/Land-Oo Markii 5AAD Ku Hartay-Cayaar-Fiinaale Ah!! & Gobolladii-Ka Qaaday Koobabka Fiinaalaha-Ah!!!…

Waxaa Qoray on Jul 27th, 2016 and filed under Ciyaaraha, Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaayo🙁Allkisima)-Inta La Ogyahay taariikhda K/Cagta gobollada Dalka Somalia ayaa qoreysaa in G/J/Hoose kismaayo uu cayaaraha K/Cagta fiinaalha uu ku waayey illaa 5-KOOB,oo uu ku jiro kii P/Land ay Qaadatay maalintii Talaadada ee aynu soo dhaafnay.

Tartanka cayaaraha gobollada dalka somalia ayaa gebi ahaanba billaabmay sannadii 1971dii ,taasoo markii hore lagu billaabay ciyaaraha ardayda gobollada,waxaana guushii ugu horreysay ee dhanka ardayda koobkaas ku guuleystay gobolka tog-dheer sannaddii 197okii.

Haddaba wixii ka dambeeyey sannadkaas waxaa toos u-billaabmay Tartamada K/Cagta,koleyga,Laliska,wiilasha & Gabdhaha,dabaasha & Cayaaraha fudud oo uu ku jirey Qori-tuurka.

Dhammaan Cayaarahan ayaa waxa ay la koowsadeen Kacaankii 21ka Oktoobar oo uu hohggaanka ka ahaa Marxuum/Max’ed Siyaad Barre Allaha U_Naxariistee.

Dhanka kale waxaa jirey in ay kordheen arrimaha cayaaraha K/Cagta dalka kuwa heerka koowaad & Labaadba,sidoo kale waxaa ka jirey gobollada qaar kooxo awood badan,sida Hargeysa tog-dheer hiiraan,sh?dhexe,SH/Hoose,BAY,Banaadir J/Dhexe, & J/Hoose,waa inta la is-lahaa awood ayeey leeyihiin,oo dadkii ku dhashay ayaa u soo safan jirey.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in gobollada aad u liittay ay ka mid ahaayeen Gal-gaduud,Mudug & Bari,Sool,& Sanaag,waxaana jirey in gobollada kale ee dalka ay ka dalban jireen cayaartooy dhanka K/Cagta ah.

Ugu dambeyntii waxaa taariikhda K/Cagta Gobollada dalka somalia ay qoreysaa In G/J/Hoose uu markii 5aad cayaar fiinaale ah,uu khasaariyo waxaana cayaarahaas kama dambeysta ah ka Guuleeystay gobollada kala Ah:-

(A)-Tartankii Koowaad-Tog-dheer & kismaayo-Cayaarihii Ardayda oo noqotay horyaalka cayaaraha K/Cagta Ardaydayda-sannaddii 197okii.

(B)- Tartankii 4aad  Benaadir & Kismaayo- ee Ciyaaraha Gobollada K/Cagta Benaadir-2-1-oo benaadir ay guushu ku raacday 1976.WIN!!.

(C)-Tartankii-7aad-Benaadir & Kismaayo ee Ciyaaraha Gobollada K/Cagta 1979-Fiinaale-1-0-Benaadir-WIN!!!.

(D)-Tartankii 11-aad-Hargeysa & Kismaayo-1 & 0-Cayaaraha K/Cagta Gobollada-1984tii..Hargeysa..WIN!!…

(E)_Tartankii 13- P/Land & J/Land-5-3-Rigoorayaal-Oo ay Guushu Ku Raacday P/Land-2016-WIn!!-P/Land-New Regione…Side Of Football History.(2016).

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kismaayo.
Categories: Ciyaaraha, Wararka Somaliya
Tags:

1 Response for “J/Land-“Kisima”-“FAALLO”-J/Land-Oo Markii 5AAD Ku Hartay-Cayaar-Fiinaale Ah!! & Gobolladii-Ka Qaaday Koobabka Fiinaalaha-Ah!!!…”

  1. Jamaame says:

    Cayaaraha gobolada waxaa la bilaabay 1972, waxaana waqtigaa la ciyaaray 3 finale narkii la kala badin waayay , waxana kala ahaayeen 2da koxood ee isugu soo haray finale-ka Jubbada Hoose iyo Burco, cayaartii 3aad ee finale-ka ayaa waxaa ku guuleystay Jubbada Hoose, waxaa xusid mudan in Jubbada Hoose aay shaqaba Burco gol quruc badan uu ku ruxay Bin-Shaakir iydoo waqtigaa Maxame Siyaad Barre uu iridda garoonka ka soo gelaayaa (AUN) waxaa isqabsaday sacabkii lagu soo dhoweenayaya Siyad Barre iyo loo garaacayey goolka Reer Kismaayo dhaliyeen.

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)