Nairobi:-Muddaaharaad Maanta Ka Dhacay Xaafadda Eastleigh…..

Waxaa Qoray Admin on May 5th, 2010 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Nairobi :-( Allkisima)-Xaafadda islii degmada kamakunji ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa maanta ka dhacay muharaadyo balaaran oo ay sameynayaan dadka waratada ee ku ganacsada daafaha wadooyinka xaafadda islii, oo ah halka Soomaalida ugu badan ay kaga noolyihiin caasimadda Nairobi.

Mudaharaadkan oo bilwday saakay ayaa waxa uu yimid kadib markii maalimihii ugu dambeeyay ay askar ka socota dawlada hoose ee magaalada Nairobi ay xaafaddda islii kawadeen hawl galo ay ku burburinayaan goobaha waratada ganacsiga ka wadda hareeraha xaafadda islii.

Mudaharaadkani ayaa sida ay u-xaqiijiyeen shabakaddan(Allkisima)-dad goob-joogayaal ah waxaa ka qeyb qaadanayay dadka waratada ah oo isugu jira Soomaali iyo qowmiyadaha kale ee Kenya oo iyaguna sidoo kale goobo baayac mushtara ku leh hareeraha wadooyinka xaafadda islii.

Weli ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo mudaharaadkaasi ka dhashay, hase haatee dadka mudahaaradayada ayaa taayiro gubay, iyadoo sidoo kalana ay inta badan albaadada u xiran yihiin Xarumaha ganacsiga ee suuqa weyn ee gaarissa ee xaafadda islii.

Dadka mudahaaradayay ayaa dhagax tuuray baaburta inta badan adeegsata waddooyinka First Avenue iyo Second Avenue oo ah waddooyinka ay inta badan adeegsadaan baabuurta mareysa xaafadda islii oo ah halka Xuddunta u ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Waxaa xaafadda la soo daadiyay cutubyo farabadan oo ka tirsan ciidamada ammaanka kuwaasi oo ka jawaabaya mudahaardkan ka dhasahay gadoodka ganacsatada waratada ah ee ku ganacsata daafaha wadooyinka islii gaar ahaana buux dhaafiyay wadada First avenue oo ah dhabaha ay inta badan ku teedsan yihiin xarumaha ganacsi ee ay Soomaalidu ku leedahaya xaafadda islii.

Inta badan askarta dawladda hoose ee magaalada Nairobi ayaa hawl galo burburina waxay ka sameeyaan daafaha wadooyinka xaafadda islii kuwaasi oo ay ganacsato warata ajhi ay si sharci darro ah ugu ganacsadaan.

Ma cadda ilaa iyo hadda waxa ka dhalan kara mudaraadkan ka soconaya xaafadda islii hase ahaatee mudahaardyada noocaan oo kale ah ayaa horseeda in ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay hawl galo ku balaariyaan xaafadaha ay Soomaalidu ka degto Nairobi caasimadda Kenya iyadoo sanadkan bilawgiisii mudaraad ka dhacay masjidka weyn ee jamia mosque ee bartamaha caasimadda Nairobi uu horseeday iney ciidamada ammaanka Kenya ay hawl galo balaaran ka fuliyaan inta badan xaafadaha Soomaalidu ay ka degto Nairobi oo ay ugu horeyso xaafadda islii oo degaankeeda iyo ganacsigeedaba ay gacanta ku ahayaan Soomaalida ku dhaqan Kenya oo isugu jirta Soomaalida kenya u dhalatay ee kasoo jeeddda gobolada waqooyi bari iyo gobolka Eastern ee dalka Kenya.

inkastoo Soomaalidu ay degto inta badan xaafadaha Nairobi haddana xaafadaha ay caanka ku yihiin ayaa waxaa kamida Komorock, South c, South B iyo xaafadda islii oo ah xuddunta ugu balaaran ee ay ka socdaan dhaqaaqyada ganacsiga waxbarashada caafimaadka iyo dhamaan adeegyada kale ee ay Soomaalidu gacanta intooda badan ku .hayso

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI/By/C/Qafaar Shire.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

images

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)