Muqdisho
Allkisima)-Waxaa beryahan dambe soo baxaaya warar hoose oo ay shabakadan(Allkisima)-heshay,wararkaas oo tibaaxaya in ay heshiis hoose ay gaareen Waziirkii hore ee Gaashaandhigga DFKMGS & (Axmed Madoobe Islaam)-oo ay maamulka al-shabaab-kismaayo ka xaaraantimeeyeen inuu galo -maagaalada kismaayo.
Heshiiskaan horu-dhaca ah oo ahaa mid qarsoodi ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa qodobada ugu muhiimsan, dagaal labada dhinac ay iska kaashanayaan oo ay ku qaadaan malleeshiyaadka xilligan maamula magaalada kismaayo,gaar ahaan dhinaca gobolada Jubooyinka.

Sheekh Madoobe & Prof/Oo Kulan hosaad yeeshay!!
Qodobada ay laba dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in ay u ‘arkaan maamulka(Al-shabaab-kismaayo- cadowgooda koowaad, waxayna sidoo kale ku heshiiyeen inay maamul ay soo dhistaan dadka deegaanka ay u sameeyaan gobolada Jubooyinka.
Dowlada FKMG ah iyo Xisbul Islaam garabka Jubooyinka oo uu- hoggaamiyo (Axmed Madoobe)- ayaa isla gartay inay ilaaliyaan derisnimada kala dhexeysa dowlada Kenya, waxaana jira warar tibaaxaya in Kenya ay qeyb ka qaadatay isfahanka labada dhinac.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowlada ayaa web site -ka aljazeera u sheegay in dagaalyahanada Axmed Madoobe ay hadda isku mid yihiin, isla markaasna ay iska kaashanayaan dagaallada Jubbooyinka ee ay la gayalaan malleeshiyaadka (Al-shabaab-kismaayo), waa sida uu sarkaalkaasi hadalka u-dhigaye.
Heshiiskaan oo ah mid hordhac ah ayaan weli soo shaac bixin, waxaana jirta in dhinacyadu ay ka gaabsanayaan, waxaase lagu wadaa in dhawaan uu banaanka u soo bixi doono.
Dalka Kenya ayaa waxaa lagu tababaray ciidamo badan oo DFKMG ah ay leedahay, kuwaasoo halkii ay ka howlgali lahaayeen mar sii horeysay leysku khilaafay, walow mar dambe la shaaciyey inay ku wajahanyihiin-Gedo,J/Dhexe,& J/Hoose.
Sida ay shabakaddan(Allkisima)-u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, ciidamadii lagu tababaray Kenya ayaa waxaa la soo daristay xaalad adag, ka dib markii ay waayeen lacago horey loogu ballan qaaday, waxayna ilahaasi noo xaqiijiyeen in bishii la siiyo $50, taasoo ah mid aad u yar.
Xaaladdan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli abaabullo dagaal oo farabadan laga dareemayo dhul badan oo ku teedsan xuduudaha Kenya iyo Itoobiya, iyo weliba magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana weli si buuxda aan heshiiskan uga hadlin dhinacyada uu khuseeyo,oo la Sheegay in ay si hoose u heshiiyeen.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/Muqdisho.








