Massar:-Massar & Sacuudiga Oo Ka Wada-hadlay Arrimaha Murugsan Ee Soma….

Waxaa Qoray Admin on Jul 29th, 2010 and filed under Wararka Somaliya, wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

 

 

 

 

 

 

Qaahira :-( Allkisima)-Boqor Cabdallaha dalka boqortooyada Sucuudi carabiya oo booqasho ku maraya gobolka bariga dhexe ayaa maalIntii shalay kulan ay yeesheen isaga iyo madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaaraka waxaa ay kaga wada hadleen arimaha qaar kamida dalalka Carbeed oo ay Somaliyana ay ku jirto.

Labada masuul oo ku kulmay magaalada loo dal xstago ee Sharm El-Sheikh ee dalkan masar ayaa waxaa ay wada hadaladooda si weyn diirada ugu saareen xaalada dalka Somalia uu marayo iyo baahida loo qabo sidii lagu joojin lahaa dagaalada dhiiga uu ku daadanayo ee ka socda dalkaas.

sidoo kale labada nin waxaa ay isla meel dhigeen sidii loogu guulaysan lahaa dub u heshiisiin la dhexdhigo kooxaha ku dagaalamaya dalka Somalia si loo xaqiijiyo bay yiraahdeen xasiloonida iyo amaanka dalkaasi ku yaala geska afrika.

booqashada uu dalkan masar uu ku yimid u adeegaha labada xarameyn ee shariifeynka boqor Cabdalla ayaa qayb ka ah booqashooyin uu ku marayo dalal ku yaala gobolka oo ay ka mid yihiin Jordan Syria dalka Lubnaan iyadoo markii uu Boqorku kasoo dagayay magaalada Sharm al Sheekh uu ka yimid magaalada Casabanca ee xarunta dalka Marocco.

Madaxweyne Xusni Mubaarak iyo Boqor Cabdallaha dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa sidoo kale ka wada xaajooday xiriirka iyo danaha ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale arimaha dalalka Falastiin, Lubnaan, Ciraaq, iyo Sudan.

si kastaba ha ahaate u adeegaha labada xaramayn e shariifaynka ah Boqor Cabdalla ayaa habeenkii xalay ahaa ku hoyday dalkan Masar ka hor inta uusan maanta u dhoofin magaalada Dimishiq halkaasoo uu wadahadalo kula leeyahay hogaamiyaha dalka Syria Bashar Al Asad iyadoo maalinta jimcaha ee bariyana uu tagi doona magaalada Beirut e dalka Lubnaan halkaasoo uu kula kulmi doono hogaamiyeyaasha dalka Lubnaan.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Cairo/Egypt-(Abuukar M.Cabdi=Boston).
Categories: Wararka Somaliya, wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

images

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)