Garissa
Allkisima)-Guddiga beesha Absame ee gobollada Jubbooyinka ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya baaq u jeediyay maamulka Puntland iyagoo ka codsanaya in la soo daayo suldaan ka beesha Absame Suldaan Jaamac Suldaan Xasan Ibraahim oo dhawaan lagu xiray magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Guddiga beesha Absame ayaa sheegay inaysan ilaa iyo haatan garaneynin sababta loo xiray Suldaankaasi oo ay sheegeen inuu in mudo ah ku noolaa magaalada Garoowe, islamarkaasna uu ahaa wakiilka beelaha absame ee ku nool maamul goboleedka Puntland.
Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamulka Puntland ay xiraan Suldaanka beesha Absame oo in mudo ah ku noolaa deegaankaasi, islamarkaasina ah nin si weyn loogu yaqaano arrimaha nabada.
Suldaan Sonkor ayaa muujiyey in beesha Absame ay si weyn ug xumaatay markii ay ka war heleen in maamulka Puntland ay xireen Suldaanka beesha absame Suldaan Jaamac Suldaan Xasan Ibraahim isagoo ku baaqay in suldaankaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daayo.
Gudoomiyaha gudiga beesha Absame ee gobolada Jubooyinka Sheekh Khaliif Guure oo isaguna ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay fariin u gudbinayaan madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole in la siidaayo Suldaanka beesha Absame ee haatan ku xiran magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Shirkaas jaraa’id ee ay shalay galab ku qabteen magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya guddiga beesha Absame ee gobolada Jubooyinka ee ay ku dalbadeen in la siidaayo Suldaanka beesha Absame Suldaan Jaamac Suldaan Xasan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland ay wali wadaan hawl galadii ay ku raafayeen dadka lagu tuhun san yahay in aysan deegaanadaasi u dhalan.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/Garissa.









