NBI:-BILOOWGA 2012 IYO WAJIGA CUSUB EE SIYAASADDA SOMALIA MAXUU NOQON?…

Waxaa Qoray Admin on Jul 29th, 2010 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

 

 

 

 

 

Nairobi :-( Allkisima)-Sidaan kuqeexnay qoraalkiihore siyaasadda soomaalia waxay isbadashaa markaste oolagaaro labaatan iyo koow sano (21). Haddaba sidaad naga sugayseen qoraalkaan waxaan sikooban ooga hadlaynaa isbadalkii siyaasiga ahaa eedhacay 1991 kaasoo ah midka ilaa iyo hadda socda Ilaahayna aan karajaynayno in uu inaga dhameeyo kahor 2012 inooguna badalo midkheerbadan.

Marlabaad waxaan kacudur daalanaynaa akhristayaasha shareftaleh in aan taariikhda sikooban usheegidoono waxbadanna aan katagidoono haddaba haddaanaan shaygin waxkamid ah taariikhda oodjeclayd inlasheego fadlan nagaraalinoqo. Kadib markii latuuray dowladii qarankeena soomaaliya bishii Janaayo 26, 1991, waxaa dadkeena iyo dalkeena soomaray marxalooyin badan oo kaladuwan, balse waxaan kaxusaynaa sadaxkamid ah.

Marxalo #1.

Taariikhdu maraky ahayd bishii Janaayo 26, 1991 waxaa kufurmay umaddeena soomaaliyeed albaab nexdinleh kaasoo ahaa riditaankii dowladii qarankeena, ayadoonan jirin waxqursha ah oo uyiilay nimankiiriday dowladii qaranka. Kadib waxaa bilaabmay jahawareer aad uwayn kaasoo dhaliyay dadkii soomaaliyeed ay udhaxeesay walaatinimada iyo cashiiro wanaaga in ay dagaalamaan.

Marxalo #2.

Kadib dagaal aan waxba laiskulaharin oo dhaxmaray beelaha soomaaliyeed, waxaa bilaabmay laba arimood oo isbarbar socda: biloogii abaabulkii dowladaha tabartayaraa iyo xoogaysigii hogaamiyo beeleedka. Kadibna waxaa bilaabmay dagaalado udhaxeeya labadaas kooxood, dagaaladaas oo ahaa kuwo ugaystay dalka iyo dadka soomaaliyeed khasaaro iyo burbur aad uwayn.

Marxalo #3.

Jahawareer aad uwayn kadib, waxaa bilaabmay abaabulkii kooxihii watay magaca Islamiga ah kuwaasoo xaqiiqdii ciribtiray kooxihii hogaamiyo beeleedka. Kadibna waxay umaleeyayn in ay leeyihiin awood ayku ciribtirikaraan kooxdiikale ee wadatay magaca dowladnimada. Malahaas oo noqday xaqiiqdii mid ukeenay guuldaro aad uwayn kooxihii wadatay magaca Islamiga. kadib Jabwayn oo soogaaray, kooxihii wadatay magaca Islamiga, waxaa bilaabmay iskhilaaf dhaxdooda ah ayagoo kooxkaste kooxdakale ay fartakufiiqi.

Sikastaba hanoqotee, ilaa iyo hadda waxaa socda gabagabada tartankii udhaxeeyay labadii kooxood ee kalawatay magaca dowladnimo iyo Islamiga. Haddaba hadaynu nahay waxgaradka umadda soomaaliyeed waynu aragnaa gabagabada tartanka labada kooxood ee 2012, belse ma iswaydiinay in aan saadaal kabixino waxay noqonkarto xaalada umadeena soomaaliyeed kadib 2012?

ISBADALKA 2012.

Hadaynu saadaal kabixino maxay noqonkartaa xaaladda soomaalia kadib 2012, waxay noola muuqataa in ay kudanbeeni midkamid ah labo arimood (MOGDI ama IFTIIN). Tusaale, haday shaqsiyaadka soomaaliyeed ee waxgaradka ah, jecelna midnimada umadda soomaaliyeed ay iska daawadaan waxa kasocda wadankooda, doorbidaan hormarinta dantooda khaaska ah, iloobaan dantaguud ee umadda, waxaa xaqiiqo ah in aynu galidoono (MOGDI) aad uxun kaasoo qaata labaatan iyo koow sano (21) ookale.

Rajo lagama quustee, hadiilahelo dad u istaaga dantaguud ee umadda kuwaasoo kusifooba shuruudahan soosocda: daacadnimo, karti hogaan, aqoon hufan, ilbaxnimo dheeraad ah, maskax fayoow, aftahanimo laguqanciyo umadda soomaaliyeed iyo dhamaan umadaha xiriirwanaagu inagadhaxeeyo, waxaa xaqiiqo ah in aan gaarayno IFTIIN lamahdiyo. kaasoo noqonkara mid aan kudamaashaadno labaatan iyo koowga (21) sano ee soosocda insha-allah.

Haddaba haduu xaalku saayahay, waxaa iswaydiin mudan seelagu abaabulaa waxmideeya waxgaradka soomaaliyeed ee jecel in ay waxkabadalaan mustaqbalka umadda? Jawaabtu waasahal, waxaana usheegaynaa shacabka soomaaliyeed ee shareftaleh in ay bilaabatay abaabulkii waxgaradka soomaaliyeed kunamidoobayn ururk daladeedka Somali Peace & Progress (SPP). Haddaba siaad uheshid macluumaadka ururka oo dhamaystiran, fadlan booqo bogayaga internet ka www.somalipeaceprogress.org nalana sooxiriir siaan ooga wadashaqayno badbaadada dadkeena iyo dalkeena qeebweena ooga ciyaaro siwadajir ah isbadalka siyaasadda soomaalia ee 2012.

Somali Peace & Progress (SPP) waa xisbi siyaasi ah waxaana aas aasay somaali aqoonyahano ah oo kunool waqooyiga America waxna kubaratay. Xubnaha Ururka SPP waxay ka kooban yihiin: dhalinyaro, oqoonyahano, culimo, ganacssto, abwaano, siyaasiyiin, waalidiin iyo waxgarad. SPP taageera yaasheedu waxaykala joogaan: America, Africa, Asia, Middle East, Europe iyo gudaha soomaalia.

SPP waxay leedahay karti aydib ugu dhisto xiriir wanaagsan oo udhaxeeye umadda soomaaliyeed iyo bulshada caalamka oodhan. Hogaanka SPP waxuu u wadaa umadda soomaaliyeed qorshe nabadeed oo cusub, fikrado iyo fursado badan. Sidaad darteed waxuu diyeer uyahay in uu aruuriyo dhamaan waxgaradka soomaaliyeed siwadajir looga geebqaato xal uhelidda dhibka inagu habsaday. SPP waxay kusoodhawayn qofkaste oo ah soomaali oo raba in uulashaqeeyo gacmofuran, walaaltinimo, iyo wadashaqeyn wacan.

Alkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI
SPP Executive leaders
info@somalipeaceprogress.org
www.somalipeaceprogress.org
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

images

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)