Liboy-Somalia:-Dagaal Gaadmo Ah Oo Xalay Ka Dhacay Tuulada Dhoobleey….

Waxaa Qoray Admin on Jul 28th, 2010 and filed under Wararka Somaliya, wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LIBOY-Somalia :-( Allkisima)-Xaaladda tuulada Dhoobley ee ku taalla soohdinta Somalia iyo Kenya ayaa yara xasiloon in kastoo weli dareenka ka jira uu kacsan yahay, ka dib markii halkaas uu dagaal ku dhex maray maleeshiyada Shabaab iyo maleshiyo u dagaallanta Sh. Axmed Madoobe.

Dagaalka oo billowday xalay abaarihii 4:30-habeenimo, in yar ka hor intii uusan waagu baryin, ayey wararku sheegayaan inay soo qaadeen maleeshiyada Axmed Madoobe, wuxuuna dagaalku socday ilaa saaka 10kii barqannimo.

Ilo wareedyo ku saabsan khasaaraha dagaalka ayaa shabakaddan (Allkisima)- u xaqiijiyey in ugu yaraan 10 askari oo maleeshiyada Shabaab ka tirsan ay dagaalka ku dhinteen xalay, halka dhinaca Axmed Madoobena ay 2 malleeshiyo ay kaga dhinteen. Waxaan weli caddayn khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah iyo guud ahaan tuulada Dhoobley.

Ugu Dambeyntii malleeshiyaadka axmed Madoobe dagaalkii gaadmada ahaa ee xalay ayaa loo maleynaayaa inuu jab-weyn U-geystay malleeshiyaadka al-shabaab ee iyagu ka taliya tuulada dhoobleey.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Garissa.
Categories: Wararka Somaliya, wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

images

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)