Hargeysa
Allkisima)-Maanta ayaa si rasmi ah waxaa xilka madaxweynenimada Somaliland ula wareegay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo bil ka hor ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Somaliland.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland ayaa xaflad saaka ka dhacday madaxtooyada Somaliland ku dhaariyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Somaliland Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).
Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa hadal uu xafladda ka jeediyey wuxuu ugu hambalyeeyey madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna sheegay in hawl culus ay sugayso, isaguna uu shaqsi ahaan diyaar u yahay inuu la shaqeeyo. Madaxweyne Siilaanyo oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu caddaalad ku dhaqayo Somaliland, bulshaduna ay isku mid u tahay, wuxuuna caddeeyey in berri uu jeedin doono khudbadda rasmi ah ee laga dhawrayey, uuna ku dhawaaqi doono xukuumadda cusub ee Somaliland ay yeelan doonto.
Xafladda ka dib, ayuu madaxweynihii hore Dahir Rayaale madaxtooyada kaga soo baxay kolonyo gawaari ah oo aan ahayn kuwa madaxtooyada, isagoo aaday aqalkii uu Hargaysa ka daganaan jiray markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka.
Xafladda dhaarinta Madaxweyne Siilaanyo waxaa ka soo qayb galay wafuud ka kala socotay waddamada Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, oo ay kala hogaaminayeen wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, iyo Wasiirka Dalxiiska ee Ethiopia. Siilaanyo ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee doorasho la soo doortay ku yimaada xafiiska.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/Boosaaso.









