Muqdisho:-Ra’isal-Wazaare Sharmaarke Oo Ka Halay Dagaallada Ka Soconoya Muqdisho & Boosaaso….

Waxaa Qoray Admin on Jul 27th, 2010 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

 

 

 

 

 

 

 

Muqdisho :-( Allkisima)-Raisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaliya Dr:-Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho iyo waliba dagaalkii shalay ka bilowday deegaano katirsan Maamul goboleedka Puntland.

Dr:-Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagalada aan dhamaadka laheyn ee ka sii holcaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in dowladiisa aysan waxba kala hari doonin sidii ay amniga wax uga qaban lahayd ayna si wada jir ah hada wixii ka danbeeya u bilaabi doonan qaabkii ay ula wareegi lahaayeen fariisiamaha ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin dhinacyada Islaamiyiinta.

Dhinaca kale Raisul Wasaare Sharmaarke waxa uu ka hadley dagalada ka socda agagaaraha magalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari isagoo sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo caalami ah islamarkaana ay wax badan kala hadleen caalamka ka dowlada ahaan isagoo yiri ” Puntland kaliya waxba kama qaban karto dagalada ka socda halkaasi lakiin hadi la iska kashado caalamkuna gacan ka geysto waa laga yaaba in laga miro dhaliyo.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

images

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)