Sweden:-Wakiilka Zonka 4aad Ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Oo U-hambalyeeyey qaabkii Doorashadii XSKC …!!!

Waxaa Qoray Admin on Jul 26th, 2010 and filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Stockholm :-( Allkisima)-Maxamed Muuse Cabdi (Jabroos) oo ah Wakiilka Zonka 4aad ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

“Anigoo ah Maxamed Muuse Cabdi “Jabroos” oo ku hadlaya magaca Zone 4 ee ka kooban J/Hoose, J/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan u hambalyaynayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo qaaday tallaabo taariikhi ah, kadib markii uu Xiriirka Kubadda Cagta ku baahiyay gobollada dalka, si uu ulajaan qaado Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed oo hore ugu baahiyay gobollada 4ta Zone” ayuu yiri Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo dhanka kale hambalyo gaar ah u diray Xubnaha cusub ee Gobollada dalka uga soo biiray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, “Xubnahaas waxaan ka xusi karaa Saciid Cabdalla Maxamed (Saciid Cabdallow) oo Zone 1aad wakiil uga ah Xiriirka K/Cagta Gobollada Jubbada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

“Haddaba Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaan u rajaynayaa in Eebbe u fududeeyo howsha ballaan ee ay dharabka u riteen, xiriirrada kalena waxaan filayaa in ay iyagana ku dhaqaaqaan waddada cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta u billaabay, si ciyaaraha dalka loogu baahiyo dhammaan gobollada dalka, waana tallaabo ku dayasho mudan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muuse Cabdi Jabroos.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI./Xigasho-cayaaraha.com
Categories: Ciyaaraha
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

images

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)