Boosaaso
Allkisima)-Tirada dhimashada ciidanka Puntland ayaa haatan gaaraysa 5-askari, dhaawacuna wuxuu gaaraya ilaa Todobo kale, waxaana dhinaca kale ee weerarka soo qaaday ee kooxda Islaamiyiinta la xaqiijiyay in ay ka dhinteen 9-ruux oo loogu tegay goobta uu dagaalka ka dhacay.
Khasaaraha soo gaaray Rayidka ku nool Laag iyo Karin ayaan si dhab ah loo Xaqiijin, laakin maanta Xabbado ay waddada ku furanayeen Ciidamada Amaanka ayey ku geeriyootay Qof dumar ah oo ka mid ahayd dadka Usoo dawasho tegay Xaaladda Magaalada oo aad u kacsanayd.
Haattan Magaalada Boosaaso wey degantahay, Waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan In ciidamada sirdoonka Puntland ee PIS ay kaabiga ku hayaan Deegaanka GalGalo, oo ah halka ay ku xooganyihiin Kooxda Islaamiyiinta ah ee uu Hogaamiyo Sh.Maxamed Saciid Atam.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay In la soo Gaarsiiyay Magaalada Boosaaso Maxaabiis ka badan 15-oo ka mid ahaa Kooxda weerarka soo qaaday, waxaana dhaawacyo Dhinacaasi ka tirsan la soo garsiiyay isbitaalka weyn ee Boosaaso.
Inkastoo Halka uu saaka daagal ka bilowday ay ku fadhido waddada laamiga ah ee soo gasha Boosaaso, Haddana si caadi ah ayay Gaadiidka safarka ah u isticmaalayaan, waxaana dagaalka xooggiisa uu u weecday Dhulka Buuraleeyda ah, oo ay horay Ciidamada Maamulka Puntland u joogeen. Ma jiraan ilaa hadda mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo dagaalka ka hadlay.
Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/Boosaaso.









