Boosaaso
Allkisima)-6:30-Daqiiqo markii ay aheyd illaa 7:20mirir ee Saaka waxaa magaaladan Boosaaso ka dhacay 4 Qarax oo waaweyn lamana oga sida ay wax u-geysteen,waxaan jira dagaallo u-dhexeeya malleeshiyaadka Al-shabaab & Maamul-goboleedka puntland.
Dagaalladan ayaa waxa ay ka socdaan meel magaalada boosaaso u-jirta 20km,laguna magacaabo (Karin),waxaana ay wararku tibaaxayaan in uu jiro dhaawac & dhimasho labada Dhinac.
Sidoo kale waxaa jira xabbado goos-goos ah oo ka socda boosaaso xilligan-Waxaana ay u dhexeeyaan malleeshiyaadka Al-shabaab-& M/Goboleedka Puntland.
Ugu Dambeyntii xaaladahan ayaa waxaa ay daba-socdaan weerar shalay lagu qaaday ciidamada booliska waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda-Midna La Khaarijiyey midana La dhaawacay,malleeshiyadii weerarka geysatayna labo laga qabtay.Lamana qiyaasi karo dagaalladan xilligan ka socda boosaaso & Aga-gaarkeeda,jawaabta ka soo bixi doonta.
kala Soco/(Allkisima) Wixii Ka Soo Kordha Xaaladdan Saaka!!! Allkisima News Desk Diiwaanka Wararka Xafiiska/Boosaaso.









