Kenya/-Fadliga maalmaha tobanka casho ee dulxaj iyo maalinta carafaat waa cashar faaโ€™iido badan leh

Waxaa Qoray on Aug 12th, 2015 and filed under Diinta, Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Mombasa๐Ÿ™Allkisima)-Ilaaheey baa mahad iska leh ..allahaasoo ka yeeley samawaadka iyo inta ku dhex abuuran-ama ku nool adoomaha uu isaga abuurey kana yeeley carshiga xarunta eey malaaโ€™iktu dawaafto sidoo kale ka yeeley dhulka iyo inta ku dhexnoolba adoomihiisa uu abuurey uga yeeley kacbada halka eey dawafaan adoomihiisa, nabad iyo naxariis nabi muxamed korkiisa allaha ka yeelo sidoo kale asxaabtiisa iyo intii isaga raacdey jidkiisa toosan.
Ilaah waxaa uu ka yeeley maal-mihiisa maalmo uu si gaar ah uga fadli yeeley maalmaha kale waayo tobanka maalin ee ugu horeeysa bisha dil-xajj ee aanu ku guda jirno baa ah maalamaha ilaaheey kuwooda ugu fadli badan uguna kheyrka badan .
Ilaah baa ku dhaar tey maalmahaas oo yiri weynaaye:-{ waxaan ku dhaartey waabariga(dharaarta subax arooryaad) waxaan kaloo ku dhaartey habeenada tobanka ah waxaan kaloo ku dhaartey shafciga (maalinta tobnaad -malinta gowraca) waxaan ku dhaartey maalinta witriga(maalinta sagaalaad ee carafo)
eeg aayadda {ูˆุงู„ูุฌุฑ ูˆู„ูŠุงู„ ุนุดุฑ ูˆุงู„ุดูุน ูˆุงู„ูˆุชุฑ}

ilaaheey maalmaihiisa waxaa ugu fadli badan maalmahaas tobonka ah ee ugu horeeya dil xajj bisha loo yaqaan waana maalmaha ay ku kulmaan dhamaan cibaadada ilaaheey sida soomka, salaadda, zakada iyo xajka waxaana loo yaqaannaa maalamaha hooyada cibaadada.
Waa laba laab cibaadada maalmahaas waxaa labadiyaa allaahu akbarta subxaanalaah iyo alxamdu lilaahiyeeysiga, waana lasoomaa soomkana waxaa loo suneeyey dadka aan xijeyda aheyn laakiin kuwa xajinaaya iyaga looma ogolaan.
waxaa musnadka imaam Axmed ku xusan in ibn-cumar uu Nabiga naxariis korkiisa ha ahaate uu kasoo wariyey in uu yiri:

ู…ุง ู…ู† ุฃูŠุงู… ุฃุนุธู… ุนู†ุฏ ุงู„ู„ู‡ ูˆู„ุง ุฃุญุจ ุฅู„ูŠู‡ ุงู„ุนู…ู„ ููŠู‡ู† ู…ู† ู‡ุฐู‡ ุงู„ุฃูŠุงู… ุงู„ุนุดุฑ ูุฃูƒุซุฑูˆุง ููŠู‡ู† ู…ู† ุงู„ุชู‡ู„ูŠู„ ูˆุงู„ุชูƒุจูŠุฑ ูˆุงู„ุชุญู…ูŠุฏ .
oo ah micnaha { ma jiro maalmo ilaahey xagiisa uu ugu jecelyahay ugana weyneesiin badan yahay camal la sameeyo maalamahan tobonka ah gudahooda ee badiya allaahiyeeysiga iyo allaahu akbarta iyo al-xamduli laahiyeeysiga }
waxaa kaloo laga soo wariyey ibn Cabbaas in Nabigu yiriย CSW :- { majirto maalmahan maalmo ka fadli badan camal ahaanย  markaasaa Nabiga asxaabtii ku yiraahdeen nabi alloow xattaa jihaadka?!! markaasuu yiri nabigii :- xattaa jihaadka dar alle ; un mooye ninkii inta naftiisa iyo maalkiisa ugu hibeeya jihaadkaas oo aan labaduba ku waaya oon waxba kala so noqon}
โ€œู…ูŽุง ู…ูู†ู’ ุฃูŠู‘ุงู…ู ุงู„ู’ุนูŽู…ูŽู„ู ุงู„ุตู‘ุงู„ูุญู ููŠู‡ูŽุง ุฃุญูŽุจูู‘ ุฅู„ูŽู‰ ุงู„ู„ู‡ ู…ูู†ู’ ู‡ูŽุฐูู‡ู ุงู„ุฃูŠู‘ุงู…ู ูŠูŽุนู’ู†ูŠ ุฃูŠู‘ุงู…ูŽ ุงู„ู’ุนูŽุดู’ุฑู ู‚ุงู„ููˆุง: ูŠูŽุง ุฑูŽุณููˆู„ูŽ ุงู„ู„ู‡ ูˆูŽู„ุงูŽ ุงู„ู’ุฌูู‡ูŽุงุฏู ููŠ ุณูŽุจููŠู„ู ุงู„ู„ู‡ุŸ ู‚ุงู„ูŽ ูˆูŽู„ุงูŽ ุงู„ู’ุฌูู‡ูŽุงุฏู ููŠ ุณูŽุจููŠู„ู ุงู„ู„ู‡ ุฅู„ุงู‘ ุฑูŽุฌูู„ูŒ ุฎูŽุฑูŽุฌูŽ ุจูู†ูŽูู’ุณูู‡ู ูˆูŽู…ูŽุงู„ูู‡ู ููŽู„ูŽู…ู’ ูŠูŽุฑู’ุฌูุนู’ ู…ูู†ู’ ุฐูŽู„ููƒูŽ ุจูุดูŽูŠู’ุกูโ€.

Maalmahaas waxaa ka mid ah maalinta loo yaqaan yowmo Carafo waana maalinta ugu fadliga badan maalaha ilaaheey oo dhan sida ku xusan ibn xibbaan saxiixiisa uuna soo warinhayo ibn Maajid in nabigu yiri CWS:-{ ุฃูุถู„ ุงู„ุฃูŠุงู… ูŠูˆู… ุนุฑูุฉ}.
oo ah micnaha { maalmaha [maalin ahaan] waxaa ugu fadli badan maalinta carafaat }.

Maalintaas waa lasoomaa ducadana waa la aqbalaa malaaโ€™ikta naxariista ayaa ilaaheey soo dajiyaa waana maalinta uu ugu caro badan yahay sheydaanka maalinta badar mooyee waxaa layiraahdaa labadaas maalinba sheydaanka waxaa uu ahaa qaracan isagoo ay ka muuqato dulli-nimo waayo waa labada maalin ee ilaaheey malaaโ€™iktiisa uu soo dajiyo badarna jihaadkeey ka qeyb qaadanahayeen oo jibriil baa kala horin hayey sheydaanka maalintaas aad buu u naxey una caroodey waayo waa cadowga muslimka iyo islaamka maalinta yowmul carafaatna saasaa malaaโ€™iktiisa loo so dajiyaa, laakiin marakani waa kuwa naxariista ilaahbaana ku amra in ay naxariis iyo danbidhaaf ilaah u baryaan adoomihiisa muteystey naxariista ee camalka suuban faley ee soomayee salaadey ee sadaqada la baxey ee qaarkood misana xajinayaan naxariistaa qof walba ilaah ma haleelsiiyo oo kaliya waxaa uu ilaah haleelsiiyaa adoomihiisa suuban ee camalka suuban fala markaas ee raacey nuurka nabiga ee weyneeyey nabigooda iyo shicaarkooda islaamka sanadkastaana saa u sooma maalintaas carafaat kuwooda aan ilaah u kasin in ay xajiyaan kana faaโ€™iideeysta maalmahaas ay ku kulanto cibaadada ee loo yaqaan maalmaha hooyada cibaadada.

Waa maalinta uu ilaah ugu xoreyn naarta badan yahay adoomahiisa muteystey in naarta laga soo saaro.waxaa laga wariyey Caaโ€™isha RCย sida ku xusan saxiixul muslimka inย Nabiga CSWย yiriย :{ : ู…ูŽุง ู…ูู†ู’ ูŠูŽูˆู’ู…ู ุฃูŽูƒู’ุซูŽุฑูŽ ู…ูู†ู’ ุฃูŽู†ู’ ูŠูุนู’ุชูู‚ูŽ ุงู„ู„ู‡ู ูููŠู‡ู ุนูŽุจู’ุฏู‹ุง ู…ูู†ูŽ ุงู„ู†ูŽู‘ุงุฑูุŒ ู…ูู†ู’ ูŠูŽูˆู’ู…ู ุนูŽุฑูŽููŽุฉูŽ.
oo micnaha
{ ma jirto maalin uu ilaah uga naar xoreyn badan yahay adoomihiisa maalintaas -naarta waa maalinta carafee }.

Hadaba mowtida ayaa mudan in loo aqriyo qurโ€™aanka sadaqadna loo baxsho qabuurahana labadiyo booqashadooda ilaahna loo baryo in ilaah ku daro kuwaas kuwii ilaah ka dhigo in ilaah naarta ka xoreeyo waayo hadii uu ilaah u qorey in uu ku daro in ay naarta ka xoroobaan azal ahaan waa ay noqon kuwo ilaah ka xoreeya naarta.

Sida ku xusan saxiixul muslimka waxaa ku xusan in Abii Qattaadah al-ansaari uu nabiga weydiiyey soomka maalinta caashuuraa sababta loo soomo? Markaana uu nabiga saatan yiri nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee:-{ย ูŠููƒูŽููู‘ุฑู ุงู„ุณูŽู‘ู†ูŽุฉูŽ ุงู„ู’ู…ูŽุงุถููŠูŽุฉูŽ ูˆูŽุงู„ู’ุจูŽุงู‚ููŠูŽุฉูŽโ€.
oo ah micnaha { qofka waxaa loo dhaafaa danbiga sanadkii tagey iyo kan soo socda intaba}.

Waxaa loo yaqaannaa maalinta carafaat maalinta labada ciidood waayo waxaa ku kulmey maalin jimca aheyd iyo maalin ciid carafo ku soo aadey goortuu nabiga kula dar-daarmahayey muslimiinta buurta caraaf qudbadiisii ugu danbeysey ee sanadkaas xajj ahaan [ qudbada banka carafaat] ee ay soo dagatey aayaddaan
[ุงู„ูŠูŽูˆู’ู…ูŽ ุฃูŽูƒู’ู…ูŽู„ู’ุชู ู„ูŽูƒูู…ู’ ุฏููŠู†ูŽูƒูู…ู’ ูˆูŽุฃูŽุชู’ู…ูŽู…ู’ุชู ุนูŽู„ูŽูŠู’ูƒูู…ู’ ู†ูุนู’ู…ูŽุชููŠ ูˆูŽุฑูŽุถููŠุชู ู„ูŽูƒูู…ู ุงู„ุฅูุณู’ู„ูŽุงู…ูŽ ุฏููŠู†ู‹ุง] {ุงู„ู…ุงุฆุฏุฉ:3}.
oo ah micnahaย  { Maantaan diintiina laโ€™idiin dhameystirey iyo nimcadeydaba oo aan raali ka noqdey oon idiin doorbidey in islaamu idiin noqdo diin }.

Laakiin nasiib darro dadbaa u qaata in aayadaan ay aheyd aayaddii qurโ€™aanka ugu danbeeysey ee soo dagata arinka saa maahan waxaa ka danbeeyey aayadaha ribada ka hadlaaya laakiin micnuhu waa in ay dhameystirantey mabaaโ€™diidii guud ee diintayada maalintaas. Maalinta aayadaas ay soo dagatey goobtu waxaa ay aheyd banka carafaat maalintuna jimce saasaana loo yiri maalinta labada ciidood.

Ilaah ha innagu anfaco ilaah ha inaga yeelo kuwii sooma maalintaas kheyrkana ilaah la maago naxariistaas soo daganeeysa iyo malaaโ€™iktaasba naxariista xanbaarsan ba ilaah inala kulmiyo, ilaahoow ha inaga yeelin kuwo caqiidadooda qaldanta oo u qaata in ilaah laf ahaantiisa soo dagto marna kor aada ilaahoow caqiidaddaas qaldan umaddayada ka najeeย  ilaahoow inaga yeel kuwii garta xaqa uu ilaah ku leeyahay kaasoo ay ugu weyn tahay garashada ilaahooda in uu yahay mid aan jirin ekaan kiisa oo kale ilaahoow aqbal ducadayada ilaahoow aqbal ducada yada aamiin.

Nabigu waxaa uu yiri nabad iyo naxariis korkiisa allaha ka yeelee :- duco waxaa ugu fadli badan tan la duceystaa maalinta carafaat wax aan irina buu yiri waxaa ugu fadli badan kaan iri oo ay horey u yiraahdeen nabiyadii aniga iga horeeysay kaasoo ah [ ilaah majiro aan aheyn ilaaha midka ah ee xaqa loo caabudo kaasoo mid ah waxna aan lala wadaajin karin} waana kan naska .
ุฃูŽูู’ุถูŽู„ู ุงู„ุฏูู‘ุนูŽุงุกู ุฏูุนูŽุงุกู ูŠูŽูˆู’ู…ู ุนูŽุฑูŽููŽุฉูŽุŒ ูˆูŽุฃูŽูู’ุถูŽู„ู ู…ูŽุง ู‚ูู„ู’ุชู ุฃูŽู†ูŽุง ูˆุงู„ู†ูŽู‘ุจููŠูู‘ูˆู†ูŽ ู…ูู†ู’ ู‚ูŽุจู’ู„ูู‰ ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ุงูŽู‘ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุญู’ุฏูŽู‡ู ู„ุงูŽ ุดูŽุฑููŠูƒูŽ ู„ูŽู‡ูโ€
Ilaah ducayada ha aqbalo aamiin!!.

Ustaad/Sheekh C/Latiif X.Bashiir-(Qoslaaye).

Categories: Diinta, Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)